Wallaaca – carruurta da’da dugsiga hoose (Anxiety – primary school aged children)
Inaad dareento welwel ama walaac marmarka qaarkood waa caadi. Laakiin carruurta qaarkood ayaa waxay leeyihiin cabsi siyaada ah oo soo noqnoqonaysa, welwel iyo dareen walaac leh kaas oo qaata asbuucyo. Dareenkaan xoogan ayaa faragelin kara hawlmaalmeedka
caadiga ah, sida aadida dugsiga ama arkida saaxiibo, taas oo ay carruurtu isku dayaan inay ka fogaadaan. Marka walaaca carruurtu xumaado ama daba dheeraado waxay noqon kartaa walaac khariban.
Waalidiinta, way ku adkaan kartaa inay meeleeyaan calaamadaha walaaca maadaama ay siyaalla kala duwan u muuqan karto. Way adkaan kartaa in la ogaado wixii ‘caadi’ loo arki karo welwelka, iyo marka kaalmo la raadsanayo. Ka fogaanshaha xaallad ka
dhigta ilmahaaga mid walaacsan ayaa noqon kara wax fiican, laakiin degdeg ayay u noqon kartaa hab ay adag tahay in laga gudbo.
Calaamadaha guud iyo astaamaha (Common signs and symptoms)
- Joogto uga fogaanshah waaya-aragnimada maalmeed iyo xaalladaha, sida dugsiga, munaasabadaha bulso, cayaarida, cunta cunida ama seexashada
- Cabashada jireed oo soo noqonoqonaya sida calool xanuunka iyo madax xanuunka
- Dhibsasho degdeg ama xanaaq furka-tuurid ah
- Hurda la’aan
- Isbedelka rabitaanka cuntada
- Raadinta dib-u-xaqiijinta
- Ku mashquulsanaanta ahaanta ama aadan awoodin diirad saarida
- Ka badbadinta xaalladaha ama aad uga fekerida waxyaallo
Carruur badan ayaa muujin doona calaamadaha mar mar, waxaana laga yaabaa in aanay la xiriirin walaac. Marka calaamadahaasi soo noqnoqdaan, hab joogto ah oo u keenaan ilmahaagu inuu la halgamo nolol maalmeedka, waxaa laga yaabaa inay yihiin calaamadaha
astaamaha xaallad walaac ama Khalkhal carruureed oo ay ku jiraan xaallado bulsho oo walaac leh iyo walaac guud.
Marka caawima la raadsanayo (When to seek help)
Haddii ilmahaagu u muujiyo calaamada walaac leh, waad kala hadli kartaa dhakhtarkaaga guud ama mihnadle kale oo caafimaad, ama macalinkooda. Muujiyayaasha qaarkood waa waqtiga la raadiyo caawimo ay ka mid tahay:
- Haddii ilmahaagu u muuqdo inuu aad u welwelsan yahay ama walaacsan yahay, dareemayo walaac in ka badan caadigii
- Haddii walaacu ka joojiyo ilmahaaga ka qaybqaadashada xarakaadyada maalmeed, sida tegida dugsiga, waqti la qaadashada kuwa kale, cunida ama cayaarta iyo si fiican u seexashada.
Ilmahaaga dugsigiisa ayaa laga yaabaa inuu ku caawimo. Dugsiyo badan ayaa caawima ardada u baahan kaalmada kuwaas oo walaac dareema iyo xubna ka mid ah shaqaalaha oo tababaran oo caawimi kara, kuwaas oo ay ku jiraan la-taliyayaal iyo dhakhaatiir.
Raadinta dhibta iyo ka daaweynta xaallada wallaaca ee ilmaha waxaa wax ka qaban kara mihnadle caafimaad. Haddii loo baahan yahay, dhakhtar guud ayaa qaban qaabin kara dhakhtarka ilmaha, dhakhtarka cilmi nafsiga ee carruurta ama mihnadlaha caafimaadka
dhimirka si u qiimeeyo una caawimo ilmaha.
Sidee loo caawimaa ilmahaaga qaba wallaaca (How to help your child with anxiety)
Haddii ilmahaagu muujinayo astaamaha walaaca, waxaad ku caawin kartaa guriga siyaallaha soo socda:
- Ku dhiirigeli ilmahaaga inuu ka hadlo dareenkiisa kuuna sheego markay wax ku badan yihiin. Waxaa laga yaabaa inay caawinto inaad u sharaxdo in dareenkiisa yahay wax caadi ah – dhamaan waxaan dareenaa welwel ama cabsi marmarka qaarkood.
- Haddii ay jirto xaallad gaara ilmahaagu wuxuu u arkaa wax loolan leh, oo caawima iyaga inay si soo kordhaysa inay walaacsan yihiin. Tusaale ahaan, haddii aadida goobaha dukaamaysigu ay ku walaac geliso, ku bilaw socdaalo dukaamada agagaarka
ah, qorshay booqashada xarumaha dukaamaysiga waqti ay degan tahay.
- La samay qorshe shaqayn kara inaad wax ka qabato dareenka mustaqbilka, sida habka neefsiga ama ta’kiidinta erayo walaac leh.
- Qaado waqti aad ku haysato wax fan ah aadna ka cararto dareenka wallaaca.
- Caawin ilmahaaga inuu hello qorshe caafimaad kaas oo ay ku jirto hurdo tayo fiican leh, jimicsi dibada ah, si fiican wax u cunida iyo ka fogaanshaha waqtiga iskiriinka siyaadada ah.
- Isku day barnaamijka daaweynta online ah wixii walaac ah (arag ‘macluumaad muhiima’ hoos).
Haddii aad tahay waalid walaacsan, waa muhiim inaad daryeesho caafimaadkaaga oo raadiso caawimo markaad u baahan tahay.
Qodobada muhiimka ee la xasuusanayo (Key points to remember)
- Waa u caadi carruurta inay dareemaan wallaac, welwelsan yihiin ama cabsanayaan waqatiga qaarkiis.
- Wallaaca waa la maqli karaa si loo aqoonsado carruurta, marka calaamad laguna daro ama ayna ku jiraan waxyaalla guud sida calool xanuun, madax xanuun soo noqnoqonaya, xanaaq iyo dhibaatooyinka seexashada.
- Waa waqtigii la raadin lahaa haddii ilmahaagu leeyahay calaamado joogto ah oo isdaba jooga, iyo haddii ay ka fogaanayaan xarakaadyada maalmeed iyo xaalladaha kiciya walaaca.
- Wixii caawima ah, kala hadal dareenka ilmahaaga iyo dabeecada macalinkiisa, GP-ga ama talabixiye kale ama dhakhtarka cilmi nafsiga.
- Waxaa jira dariiqooyin lagu kaalmaynayo ilmahaaga guriga.
Macluumaadka muhiimka ah (Useful resources)
-
The Brave Program: barnaamijka wax lays dhaafsanayo oo online ah oo 8 – 12 sanadood jir si looga caawimo welwelka loona barto istaraatiijiyada wax ka qabashada.
-
Fear-Less Triple P Online Course: Toolkit-ka lagu caawimo wallaaca ilmahaaga loona noqdo qof dulqaad leh dareen
ahaan.
-
Cool Kids Program: Barnaamijka online ah wax la is-dhaafsanayo kuwa jira 7-12 sanadood si looga caawimo iyaga wallaaca ka koraan oo dhistaan kalsooni.
-
The Beyond Blue Child Mental Health Checklist: qalab guud oo lagu hubiyo astaamaha ilmahaaga iyo haddii
la heli karo caawima mihnadeed.
-
Khadka waalidka: telefoon lacag la’aana ee adeega talasiinta halkaas oo aad kala hadli karto loolanka una hesho kaalmo.
-
Smiling Mind Kids Care Packages: Xarakaadyo dejineed oo isku xiga iyo duubida maqalka ee carruurta oo ku salaysan jimicsi maskaxda laga shaqaynayo.
Macluumaad intaas ka badan (For more information)
Su’aallaha guud oo badanaa dhakhaatiirteena la weydiiyo (Common questions our doctors are asked)
Maxaa sababa walaaca carruurta? (What causes anxiety in children?)
Welwel marmar ah ama walaacu waa caadi su’aallaha jireed si loo bedelo adduunkeena ama bay’ada. Carruurta qaarkeed walaacu wuxuu noqon karaa mid marmar ah ama mudo socda oo saameeya nolol maalmeedkooda. Waxaa jira waxyaalla badan oo kala duwan
oo sababi kara in tani dhacdo, kuwaas oo ay ku jiraan kiciyayaal ama adkeeyayaasha nolosha iyo rabitaan u janjeera walaaca. Haddii waalidiinta uu haysato walaac naftooda, kani wuxuu ka dhigi karaa in uu u badan yahay inuu yeesho walaac sidaas
darteed waa muhiim in waalidiintu u helaan caawimo maskaxeed iyo samaqab haddii loo baahan yahay. Carruur badan waadax uma aha sababta ay u yeesheen Khalkhal walaac markay sameeyaan.
Carruurtu ma ka koraan walaaca? (Do children grow out of anxiety?)
Carruurta walaacsan qaarkood waa ka kori doonaan cabsidooda, laakiin kuwa kale waxay yeellan doonaan dhibaato walaac leh haddii aanay helin caawima mihnadeed. Marka carruurta walaacoodu aad u daran yahay ama muddo qaato oo uu saamaynayo nolol
maalmeedkooda, waxaa lagu qeexaa burburka walaaca. Xaalladaha noocaan ah, waa muhiim in la raadiyo caawima mihnadeed si loo caawimo ilmahaaga si ay u maareeyaan walaacooda.
Walaaca carruurtu ma u baahan yahay daawo ku daaweyn? (Does anxiety in children need treatment with medication?)
Walaaca badankiis carruurta yaryar waxaa lagu maarayn karaa kaalmo iyo istaraatijiyo dhakhtar cilmi nafsi ah iyo dhakhtar guud ama mihnadle kale oo caafimaad. Xaalladaha qaarkood, daawo ayaa iyadana la isticmaali karaa si loo daweeyo khalkhalka
walaalca. Daawooyinka walaaca waxaa qori kara dhakhaatiir ay weheliyaan aqoon yahano caafimaadka dhimirka ilmaha sida kan carruurta, kan maskaxda ama dhakhaatiir guud. Daaweynta maskaxeed ayaa iyaduna wax ku oolla dadka dhalinta yar badankoodna
waxaa ku lug yeesha daryeellayaal. Daaweyntaas waxaa laga yaabaa in laga hello xarumaha caafimaadka bulshada, ama goobaha dhakhaatiirta gaarka loo leeyahay waxaana lagu gadan karaa dhimista Medicare-ka.